MAXAA TAAGERAYASHA MANCHESTER UNITED KU DHACAY KA DIB MARKII XIDIGA KOOXDA LEICESTER CITY HARRY MAGUIRE UU HESHIIS CUSUB U SIXIIXAY KOOXDIISA.

0
185

September, 17, 2018 (RBB SPORT) – Difaaca dhexe ee xulka qaranka England iyo kooxda Leicester City ee Harry Maguire ayaa qalinka ku duugay qandaraas cusub oo shanadood ku sii joogi doona kooxdiisa Foxes kadib markii uu soo gaba gabeeyay rajadii uu Jose Mourinho ka qabay in uu Old Trafford uu keensato.

Manchester United ayaa si wayn u doonaysay in ay Harry Maguire la soo wareegto kadib markii uu bandhig layaableh ka soo sameeyay koobkii aduunka ee Russia laakiin maamulka kooxdiisa Leicester City ayaa meel adag iska taagay waxayna Red Devils u sheegeen in ay bixiyaan lacagtii ay Liverpool ka soo bixisay Van Dijk ama in ay iska ilaawaan saxiixa Harry Maguire.

Laakiin Harry Maguire ayaa iska ilaaway xiisihii iyo riyadiisii uu ku doonayay Manchester United wuxuuna mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxdiisa Leicester City isaga oo qalinka dul dhigay qandaraas dhacaya 2023.

Laakiin jamaahiirta kubbada cagta aduunka ayaa si wayn uga falceliyay in bartilmaameedkii Jose Mourinho ee Harry Maguire uu hadda qalinka ku duugay qandaraas shan sanadood ku sii hayn doona kooxdiisa Foxes.

Taageerayaasha kooxda Leicester City ayaa iyagu si wayn u soo dhaweeyay in Harry Maguire uu kooxdooda u saxiixay heshiiska cusub ee waqtiga dheer ah balse waxaa baraha bulshada looga hadlay heshiiska cusub ee Harry Maguire iyo sida ay Man United u seegtay.

Mid ka mid ah fariimihii saxaafada soo jiitay ee baraha bulshada looga hadlay heshiiska Harry Maguire ee Leicester City iyo in Man United ay seegtay waxaa ka mid ahaa: “Harry Maguire waxa uu heshiis shan sanadood ah u saxiixay Leicester City! jamaahiirta Man United meel kasta ayay ka ooyayaan”.

Mid kale ayaa soo qoray: ‘Harry Maguire waxa uu heshiis cusub u saxiixay Leicester, xaqiiqdii qofna ma doonayo in uu Man United u tago oo uu ka hoos shaqeeyo Mourinho”.

Taageer kale oo duraya jamaahiirta Man United ayaa soo qoray: ” Jamaahiirta Man United cusbo ayay ka helayaan in Maguire uu heshis cusub saxiixay waxayna sheegayan in aanu hami lahayn, laakiin Leicester waxay shantii sanadood ee ugu danbayay haystaa koobka Premier league oo ay United haysan”.

Fariimaha ayaa ah kuwo badan oo aan la soo koobi karin iyada oo bartilmaameedkii ugu waynaa ee Jose Mourinho ee suuqii soo xidhmay uu hadda mustaqbalkiisa waqtiga dheer u huray kooxdiisa Leicester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here