Xaaladihii ugu dambeeyey ee fatahaadda webiga ee Baladweyn

0
109

Waxaa sii kordhaya saameynt afatahaadaha uu Baladweyn ka sameeyey Webiga Shabeele,iyadoo weli uu taagan yahay qulqulka dadka ka barakacaya biyaha webiga.

Wariyaheena Ibraahim Maxamed Geedi ayaa soo sheegaya in dadku ay bilaabeen adeegsiga dooman loo isticmaalayo biyaha dhex ceegaaga xaafadaha iyo kuwa webiga,si dadku ay isaga kala gooshaan meelaha ay u barakacayaan.

Isticmaalka doomaha ayaa timid markii dadku ay cabsi ka muujiyeen gaadiidka oo batay shilalkiisa,waxaana dhawaan qasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashey Makiinad Cagaf Cagaf ah oo rogmaya xili ay dadbadan siday.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa wada dadaalo lagu samatabixinayo dadka ku dhibaataysan magaaladaasi,iyadoo dhanka kale ay sheegeen in dad badan ay ku go’doonsanyihiin xaafadaha magaaladaasi oo biyhuhu ay jareen.

Waxaa adag in latago ama laga soo boxo xaafadaha qaarkood,taasi oo sii kordhinaysa walaaca laga muujinayo saameynta fatahaadaha Webiga SHabeele.

Kumanaan qof oo guryohoodi buhuyu fariisteen ayaa haatan deegaansanaya deegaanak Ceeljale ee duledka magaaladaasi Baladweyne,iyo goobo kale,xaaladda nololeed ee dadkaasi ayaa aad u adag,inkastoo ay socdaan howlaha loogu gurmanayo dadkaasi dhibaataysan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gar gaarka caalamiga ah ayaa dadaal xoogan ugu jiraa sidii dadkaasi loo gaarsiin lahaa gargaar,balse waxaa muuqataa in baahadda saameynta fatahaadaasi ay ka xoogan tahay ku filnaanshaha dadkaasi gurmadka la gaarsiinayo,sababo la xiriira fatahaada oo noqotay tii abid ugu xooganayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here