Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka oo maanta Muqdisho ka furmaya.

0
156

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu wadaa inuu ka furmo Shir-weynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya waxaana ka qeyb galaya Masuuliyiin ka tirsan Maamul Gobaleedyada Soomaaliya.

Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa KNN u xaqiijiyay iney socoto qaban qaabada furitaanka Shir-weynaha Qaran ee lagu daah-furayo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Shirkaan oo socon muddo Labo maalmood ah ayaa lagu wadaa iney ka soo qeyb galaan ilaa 300 oo qof, sidoo kale waxaa lagu wadaa iney ka soo qeyb galaan Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ka soo qaybgelidoonaan xubno badan oo kamid ah Ururada Bulshada Rayidka oo ka kala imaanaya Gobolada dalka iyo qurbojoogta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here