Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaanka Moqokori.

0
62

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka Xoogga Dalka ay howlgal military kula wareegeen deegaanka Moqo-kori ee gobolkaasi,halkaasi oo dadku ay ku dhibaateyn jireen Maleeshiyada Alshabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weerar qorsheysan ku qaaday deegaankaasi Moqo-kori oo khayaas ahaantii 40 KM u jira degmada Maxaas ee Gobolkaasi Hiiraan,iyagoo qasaarooyin gaarsiiyay maleeshiyaadkii Shabaab ee halkaasi fariisinka ku lahaa.

Wariyaheena Ibraahim Maxamed Geedi ayaa Wakaladda SONNA u sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ALshabaab ka qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal oo halkaasi ay ku haysteen,kadib markii ay maleeshiyaadkii Shabaab isaga carareen halkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka oo hujuumaad kuu qaaday koocxaha argagixisada fiidnimadii xalay ayaa wada howlgalo baaritaano ah,iyadoo firxadka maleeshiyaadkaasina lada dareemyo deegaanada fog oo naftoodi gabaad uga raadsanayaan.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkaasi ayaan weli sirasmi ah u soo bandhigin qasaaraha Alshabab lagu gaarsiiyay howlgalkaasi,balse howlgal kan lamid ah oo dhawaan lagu qaaday isla deegaankaasi ayaa Shabaab loogu qeystay qasaare dhimasho iyo dhaawac,iyadoo sidoo kale laga soo furtay hub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here