Shaqaale ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha Dekadda Xamar oo maxkamad la soo taagay

0
408

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Taariikhdu Tahay 29/09/2018 u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay sagaal eedeysane oo ka shaqeynaayay waaxda Canshuuraha Dekadda Magalaada Muqdisho, waxaana lagu soo eedeyay inay lunsadeen hanti Dowladeed Gaar ahaan waaxda Canshuraha Dekadda Magaalada Muqdisho.

Ugu horayn Waxaa Maxkamadda furay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim wuxuuna aqriyay Eedda loo haysto sagaalka eedaysane, waxaana dacwada ka soo qeyb galay ku-xigeenada Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ku oogaayay Dacwada loo haysto sidoo kale waxaa goob joog ahaa qareenada difaacaya eedaysanayaasha.
Ragga Maxkamada la horkeenay ayaa waxaa ka mid ahaa madaxii hore ee Waaxda Canshuuraha Dekadda Magalaada Muqdisho Abuukar Samow.

Waxaana dooda qaatay Qareennada difaacayay Eedeysanayaasha,kuwaasi oo soo bandhigay difaacooda sharci.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in ay Maxkamaddu ka soo saari doonto go’aan, sidoo kale waxaa dib laga soo sheegi doono dhageysiga dacwadan inta ka harsan.

This slideshow requires JavaScript.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here