Labo Cirbixiyeen Oo Ka Badbaaday Dayaxgacmeed Cillad Gashay

0
225

October, 11, 2018 (RBB NEWS) – Labo cirbixiyeen oo u kala dhashay dalalka Ruushka iyo Maraykanka ayaa si dirqi ah ugaga soo badbaaday kadib markii dayaxgacmeed ay saarnaayeen hawada sare cillad ku qabsatay.Wararka ayaa sheegaya in cirbixiyeenadan ay ku soo badbaadeen kadib markii qalab yar oo badbaadada loogu talogalay uu dhulka ku soo celiyay.

Labada cirbixiyeen oo kala ah Alexey Oychinin oo Ruushka u dhashay iyo Nick Hague oo Maraykanka u dhashay ayaa la sheegay in ay bad qabaan sida ay sheegtay wakaaladda cirbixiyeenada Maraykanka ee NASA.

Gantaalkii ay saarnaayeen oo lagu magacaabo Soyuz ayaa halaabay markii uu muddo 6 saacadood ah hawada ku sii jiray.

Muddo 6 billood ah ayuu qorshuhu ahaa in ay soo joogaan xarunta dayax-gacmeedyada adduunka si ay uga shaqeeyaan cilmi-baaris seyniseed iyo hawlo kale.

Ruushka ayaa sheegay inuu joojinayo duulimaadyada dayax-gacmeedyada waxaana la amray in baaritaan lagu sameeyo sababta keentay cillada dayax-gacmeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here