Taliyaha Xoogga dalka Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Jubbaland

28
518
Jimco, October, 19, 2018 (RBB NEWS) – Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, ayadoo garoonka diyaaradaha Kismaayo ay kusoo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.
 
Taliyaha ayaa soo dhaweyn kadib waxa loo galbiyay aqalka martida ee Jubbaland, halkaa oo uu kulan kula qaatay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam.
Jen. Indha-qarshe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada Kismaayo uu u yimid si uu kormeer ugu sareeyo islamarkaana u ogaado xaaladda dhabta ah ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 43-aad oo taliskeedu yahay magaalada Kismaayo.
 
Waxa uu sheegay in taliskan uu yahay mid muhiimad gaar ah leh, islamarkaana ciidamada ka tirsan taliska ay dagaal adag kula jiraan kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta qeybo ka tirsan Jubbaland, sidaa darteedna ay doonayaan in ay u kuurgalaan xaaladda ciidanka iyo baahiyahooda.
 
Horaantii bishii July ee sanadkan ayay ahayd markii garoonka diyaaradaha Kismaayo laga celiyay Jen. Cali Max’ed Maxuud (Bogmadoow) oo ay dowladda Soomaaliya usoo magacoowday taliska qeybta 43-aad, kaasoo ay dowlad goboleedka Jubbaland sheegtay in aan lagala tashan magacaabistiisa, wallow uu markii danbe ka dagay gobolka Gedo.

This slideshow requires JavaScript.

28 COMMENTS

  1. Kamagra Acheter En Ligne Hoa To Buy Alli Pills [url=http://yafoc.com]opinion propecia[/url] Best Non Prescription Viagra Priligy Cuanto Cuesta

  2. Nolvadex Tamoxifen For Sale Uk Amoxicillin Suspension Dosages [url=http://viapill.com]generic viagra[/url] Cephalexin Uses Side Effects Priligy Utilisation

  3. Cialis Vente Libre Espagne Canadian Pharmacies Achat Medicament Generique Cialis [url=http://yafoc.com]sintomas de propecia[/url] Buy Priligy Dapoxetine Online Canada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here