Trump Oo Boggaadiyay Siyaasi Feeray Saxafi

0
422

Jimco, October, 19, 2018 (RBB NEWS) – Madaxweynaha Maraykanka ayaa ammaanay xildhibaan ka tirsan Aqalka Congress-ka Greg Gianforte, kaas oo dhulka ku dhuftay wariye ka tirsan wargeyska Guardian ee UK kasoo baxa.

“Qof kasta oo qof kale legda ama dhulka ku dhufta waa qofkaygii” ayuu yiri Trump oo ka hadlayay meel fagaaro ah.

Hay’adda difaaca wariyeyaasha ee CPJ ayaa madaxweyne Trump ugu baaqay in uu raaligalin ka bixiyo hadalka uu jeediyay.

Siyaasigan ayaa horey u qirtay falka uu ku sameeyay wariyaha, waxaana lagu xukumay lacag dhan $385 iyo 40 saacadood oo uu bulshada u adeego iyo 20 saacadood oo uu qaato koorsooyin la xiriira maareynta xanaaqa.

Trump ayaa meedaar iyo metalaad ku muujiyay qof si xoog ah dhulka loogu dhufanayo.

Ben Jacobs oo ah wariyaha wax la yeelay ayaa ogolaaday in uusan dacweyn siyaasiga haddii uu ururka CPJ siiyo $50 kun doolar, islamarkaasna bixiyo raaligalin qoraal ah.

Siyaasiga ayaa ka xanaaqay su’aal ahayd in uu taageersanyahay qorshaha xisbiga Jamhuuriga ee caafimaadka, arrintana waxa ay dhacday sanadkii hore.

XIGASHO BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here