Kenya oo heegan galisay ciidamada amniga inta lagu gudo jiro dabaal dega maalinta geesiyada

0
494

Jimco, October, 19, 2018 (RBB NEWS) – Waxaa heegan la galiyay saraakiisha laamaha amniga kenya,iyadoo maalinta bari ah loo dabaal dagayo maalinta geesiyada ee Mashuja Day.

Madasha ugu weyn xafladan ayaa waxaa lagu qaban doonaa garoonka kubada cagta Bukhungu ee ku yaal magaalada Kakamega ee galbeedka Kenya.

Xafladan lagu xusayo maalinta geesiyada ama dadkii kenya uga geeriyooday xornima u dirirkeeda waqtigeedii gumeytaha,ayaa waxaa ka qeyb galaya madax badan oo ka socda wadamada caalamka.

Madaxaweynaha dalka kenya Uhuru kenyatta oo shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada Nairobi ayaa shaaciyay in kulankan uu marti sharaf ku ahaan doono madaxweynaha Namibia,Hage Geingob.

Mr Geingob oo hada ku sugan magaalada Nairobi ayaa inta uu joogo waxaa uu heshiis dhanka ganacsi la saxiixan doona Kenya.

Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay ay hormuud u aheyd isku xirka dhaqaalaha ee wadamada Afrika,iyadoo dekada weyn ee mombasa ay alaabo kala soo dagaan dalal ku yaal bariga iyo bartamaha Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here