Wakiilada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika oo maanta gaaray magaalada Kismaayo

0
105

October 29, 2018 (RBB NEWS) – Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom oo uu wehliyay Wakiilka Midowga Afrika Amb. Francisco Madiera ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubadda Hoose.

Ujeedada safarka labada Wakiil ayaa salka ku heysa arrimaha khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada oo xilligan u muuqda mid xalintiisa ay ku baxday Beesha Caalamka, kaddib muddo xal loo la’aa.

Kulan albaabada u xiran ayaa xilligan ka socda xarunta Madaxtooyada, kaasoo ay leeyihiin Madaxweynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan Wasiiradiisa oo dhinac ah iyo wakiilada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay kulanka labada Wakiil la qaadanayeen Madaxweynaha Jubbaland.

Shalay ayay aheyd markii Wakiilada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay kulan la qaateen Guddoonka Aqalka Sare oo xilligan ku howlan dadaalada lagu xalinayo khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

This slideshow requires JavaScript.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here