KHUDBADDII MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA UU U JEEDIYAY JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JUBBA, SOUTH SUDAN

0
91

01/11/2018 (RBB NEWS) – Cidna ma aysan mala awaali karin waxa ka guuxaya maskaxda Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ka hor khudbadii uu u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Jubba ee dalka Suudaanta Koonfureed.

Aragtida Madaxweyne Farmaajo oo markii hore aysan baahinin qeybta warfaafinta ee Madaxweynaha, ayaa waxaa muuqaal ka duubay qof ka mid ah dadweynihii ka qeybgalay xafladda, muuqaalkaas oo yeeshay saamayn aad u weyn, kuna faafay baraha bulshada.

Hase ahaatee waxaa khudbadii Madaxweynaha uu ka jeediyay Magaalada Jubba waxaa goor dambe la soo geliyay barta Facebook ee Villa Somalia, kaddib amrkii uu dalka dib ugu soo laabtay.

Inkastoo Khudbadda Madaxweynaha aanay aheyn mid qarsoodi ah, hadana waxaa meesha ka cadaa heerka uu gaaray khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, awoodaha la isku haayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay dowlad goboleedyada shaqada laga rabo iyo waxa ay tahay inay u qabtaan dadka ay mas’uulka ka yihiin, waxaana hadalkan loo arkaa inuu sii hurinayo khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here