Cayaaryahannada Afrikaanka ah ee ugu wanaagsan kubadda cagta ee loo soo xulay Abaarmarinta Sanadlaha ah ee BBC-du ay bixiyso oo lagu dhawaaqay

0
162

Shanta cayaaryahan ee Afrikaanka ah ee ugu wanaagsan kubadda cagta ee loo soo xulay abaalmarinta sanadlaha ah ee BBC-da ayaa lagu dhawaaqay.

Cayaaryahannada lasoo xulay ayaa kala ah Medhi Benatia oo u dhashay dalka Morocco, Sadio Mane oo u dhashay Senegal, Thomas Partey oo u dhashay Ghana, iyo Mohamed Salah oo u dhashay Masar.

Codaynta ayaa furmaysa 17-ka November sacaadda Afrika Bari markay tahay 10:00 Afrikada Bari waxayna xirmaysaa 11:00.

Natiijada ayaa looga dhawaaqi doonaa barnaamijka BBC-da ee BBC World News marka taariikhdu ay tahay 14 December saacadduna tahay 17:30 BST.

Cayaaryahannada liiska kujira ayaa waxaa soo xulay guddi ku xeeldheer kubadda cagta ee Afrika.

Laacibka Liverpool u cayaara ee Salah ayaa ku guulaystay abaalmarintii sanadkii hore, waxaana isla abaalmarintaan horay ugu guulaystay Jay-Jay Okocha, Michael Essien, Didier Drogba, Yaya Toure iyo Riyad Mahrez.

XIGASHO: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here