Guddoomiye Mursal: ”Ciidamo ku filan ammaanka Baydhabo waa joogaan.

0
90
December, 30, 2018 (RBB NEWS) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaa ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed waxana uu ka soo horjeestay in ciidamo laga qaado Muqdisho la geeyo magaalada Baydhabo .
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Maamulka Koofurgalbeed ayaa sheegay in aan loo baahneyn in ciidamo kale la geeyo magaalada Baydhabo cidii geysana wax laga weydiin doono.
“Deegaanka waxaan u  malaynayaa in ciidamo amni oo  ku filan inay joogaan, gaar ahaan amniga doorashada wax kale  oo dheeri ah cidii ku darta iyadaa lagula xisaabtami doona.”ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh isagoo jooga dalka Turkiga.
Wareysi uu siiyay laanta af soomaaliga ee idaacada codka Maraykanka ayuu ku sheegay inuu aaminsan yahay in doorashada madaxweynaha Koofurgalbeed ay dhici doonto 5ta bisha December.
“Waxaan rabnaa in doorashada si cad ay u dhacdo waxaan la hadlay kusimaha Madaxweynaha guddiga doorashadana waa joogaan.”ayuu sii raaciyay.
Mar wax laga weydiiyay in xukuumada ay wadato musharax gaar ah ayuu guddoomiyaha baarlamaanka sheegay inuusan ogeyn musharax gaar ah oo ay dowladu wadato.
Isagoo ka jawaabayay in Muqtaar Roobow uu ka qeybgalayo doorashada ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka; “Muqtaar Roobow waa muwaadin soomaaliyeed dowlada iyadaa heshiis la gashay iyadaa keentay Muqdisho xerada nabadsugida ayuu degenaa ogaal la’aan meeshaas kuma tegin, musharax ayuu  noqday shahaadana waa la siiyay xaq ayuu u leeyahay inuu u tartamo dowlada haddii ay ujeedo kale ka leedahay sanad ka badan muqdisho ayuu joogay.”ayuu yiri Maxamed Mursal guddomiyaha Baarlamaanka.
Mar wax laga weydiiyay inay tallaabo qaadi karto dowlada taasoo ay uga joojineyso doorashada Muqtaar Roobow ayuu guddoomiyaha baarlamaanka sheegay in aysan talaabadaas qaadi karin dowlada.
“Dowlada xaq uma lahan hadduu muqtaar soo gaaro xilligan inay faro geliyaan waa qalad.”ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo lagu wado in uu caasimada dalka uu dib ugu soo laabto berri oo Sabti ah.
Ciidamo Boolis ah oo magaalada Muqdisho laga qaaday ayaa la geeyay maanta magaalada Baydhabo iyagoo la dejiyay xarumo ku dhow madaxtooyada Baydhabo.
Qaar ka mid ah xildhibaanada federalka ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ugu baaqay dowlada federalka inay dib uga celiso ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo iyagoo ku eedeeyay dowlada federalka inay farogelin ku hayso doorashada xilka Madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here