Dalka Qatar oo ku dhawaaqay inuu isaga baxayo Xubinnimada Ururka OPEC

0
73
December 3, 2018 (RBB NEWS) – Dalka Qatar ayaa ku dhawaaqay inuu isaga baxayo Ururka dalalka dhoofiya Saliida ee loo yaqaano OPEN, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Tamarta dalkaas Saad Sherida Al-Kaabi.
Qatar ayaa ah dalka ugu weyn ee soo saara Saliida, isla markaana xubin ka ah ururka dalalka ku bahoobay dhoofiya Saliida ee OPEC.
Wasiirka Tamarta Qatar ayaa sheegay in ka bixitaanka ururka OPEC uu ahaa mid ay in muddo ah ay ka fikirayeen oo aan la xiriirin xayiraadii sanad ka hor ay ku soo rogeen Xulafada Sacuudiga.
Waxaa uu sheegay in Qatar ay dooneyso inay horumariso soo saarida Saliida, isla markaana ay kordhiso gaaskeeda dabiiciga ah oo sanadkii ay soo saari jirtay 77 Million oo tone, halka ay dooneyso in sanadaha soo socda gaarsiiso 110 Million tan.
Qatar ayaa noqoneysa dalkii u horeeyay ee Khaliijka ka tirsan oo isaga baxa Xubinimada Ururka OPEC, waxaana go’aanka uu dhaqan galayaa dhamaadka sanadkan.
Tallaabada ka bixitaanka ayaa ku soo aadeysa, iyadoo 6-da bishan uu ka dhacayo magaalada Viena ee dalka Austria shir ay leeyihiin dalalka ku bahoobay OPEC.
Ururka OPEC ayaa la aas aasay sanadkii 1961, waxaa xubin ka ah illaa 15 dal oo ay ka mid yihiin dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Ecuador, Gabon, Nigeria, Ciraaq, Kuwait, Algeria, Libiya, Venezuela, Gabon, Angola, Iiraan iyo Equatorial Guinea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here