Mareykanka Oo Ka Hadlay Howlgalkii Awdheegle Ee Ay Ku Wehliyeen Kumaandooska Soomaaliya

0
139
Thursday, December 06, 2018 ( RBB NEWS ) – Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa war ka soo saaray howlgalkii ugu dambeeyay ee habeen hore ka dhacay deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo ay si wadajir u fuliyeen Ciidamo Mareykan ah iyo Kumaandooska Soomaaliya.
Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn cirka iyo weerar dhulka oo isla socday ay ku dileen illaa 4 dagaalame, kaddib markii ay weerareen labo xarumood oo Al-Shabaab lahayeen.
Howlgalka ayaa lagu burburiyay in waxyaabo qarxa iyo gawaari Al-Shabaab ku diyaariyeen, iyadoo la sheegay in aanay dad shacab ah waxba ka soo gaarin weerarkaas.
Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoo sanadkan kaliya illaa 38 weerar oo cirka ah ka fuliyay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here