Cabdulqaadir Maxamed Nur (Jaamac) oo ah lataliyaha Mursal ayaa hubkii lagu illalinayay lagala wareegay

0
564

Waxaa goor dhow xabsiga loo taxaabay 11 ka mid ah ilaaladii TX hore ee hay’adda Nabad sugidda NISA Cabdulqaadir Maxamed Nur (Jaamac) waxaana laga qaatay afar (4) bistoolad afar (4) qori oo ah nooca loo yaqaan dabajeex iyo tododdaba (7) qori oo ah AK-47.

Ciidanka ilaalada ayaa waxaa ciidan ku soo dalbaday madaxa habmaamuuska NISA Cabdullaahi Kullane (Jiis Mariixaan ah) sida oo noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka NISA.

Xilligii la qabanaayay ciidanka iyo hubkooda lama uusan socan TX hore Jaamac sida aan xogta ku helnay.

Arrintan ayaa keeni karta in uu fal celin ka sameeyo Taliye Xigeenkii hore Jaamac oo Muqdisho ay u joogaan ciidamo badan oo ay isku hayb yihiin.Wixii soo kordho dib ayaan idinkala socodsiin doonaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here