Faah faahin ku saabsan Qarax ka dhacay magaalada Beledweyne

0
81

Jimco, December, 28, 2018 (RBB NEWS)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax la dhigay ilinka hore ee guriga guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow ee magaalada Beledweyne gaar ahaan xaafadda Kooshin.

Qarax ayaa ahaa nuuca miinada laga hago ramuudka oo la dhigay guriga Iridiisa laga soo galo, waxaana uu dhaawac halis ah ka soo gaaray qof Dumar ah.

Sidoo kale qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa bur bur u geystay gaadiid ku jiray gudaha guriga madaama uu ahaa qaraxu mid aad u xogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here