Dowladda Soomaaliya oo ku amartay Nicholas Haysom inuu dalka ka baxo

0
90

Image result for BBC Somali Logo

Arbaco,  Janaayo, 02, 2019 (RBB NEWS) – Wasaaradda arimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa ku amartay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya inuu si degdeg ah waddanka uga baxo, ka dib markii uu warqad ku aaddan rabshadihii ka dhacay Baydhabo u diray wasiirka amniga gudaha.

Wasaaradda arimaha dibedda ayaa ku wargelisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, in Nicholas Haysom aan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka uga baxo sida ugu dhaqsaha badan.

Wasiirka arimaha dibedda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo u warramay laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in ergayga uu galay khaladaad badan, isla markaana uu wasiirka amniga gudaha ula dhaqmay sida mas’uul isaga ka amar qaata.

“Mr Haysom wuxuu dhinac maray nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya. Marka wuxuu cay ku yahay dhaqanka UN-ta, wuxuuna gef weyn ka galay qaranka iyo madax-bannaanida Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Axmed Ciise Cawad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here