Dhakhaatiir ajaaniib ah ku dhaawacantay waxyaalaha qarxa oo loogu xirey baabuur

0
123

Isniin., Janaayo, 21, 2019 (RBB NEWS) – Saddex dhakhtar oo labo ka mid ah ay ahaayeen dhakhaatiir u dhalatay dalka Siiriya ayaa ku dhaawacantay kadib markii gaari ay saarnaayeen uu kula qarxay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dhakhaatiirtan ay soo gaareen dhaawacyo calculus waxaana haatan lagu daweynayaa isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho.

Dhakhaatiirtan oo la sheegay inay ka shaqeynayeen isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaal magaalada Muqdisho ayaa ka soo laabanayay xarun lagu jimicsado.

Gaadiidka waxyaalaha qarxa lagu xiro ayaa waxaa badankood ay ahaayeen kuwo lala beegsado ciidamada iyo shaqaalaha dowlada mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada qaraxan.

Magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxa ku soo badanayay sanadihii la soo dhaafay dhakhaatiir u dhalatay dalka Siiiya kuwaasoo ka cararay dagaalada sokeeye ee ka socda dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here