Chelsea Oo Ugu Dayn Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Gonzalo Higuain.

0
57

Kahmiis, 24 Janaayo 2019 (RBB News) – Kooxda Chelsea ayaa ugu danbayn dhamaystirtay gool dhaliyaha reer Argentina ee Gonzalo Higuain kaas oo heshiis amaah ah marka hore ku soo gaadhay Stamford Bridge balse ay kooxda Blues haysato fursada ay heshiiskiisa mid rasmi ah kaga dhigi karto dhamaadka xili ciyaareedkan ama ay ugu yaraan ku kordhisan karto 12 bilood oo amaah kale ah.

Gonzalo Higuain ayaa farxad ka muujiyay in uu ku soo biiray kooxda Chelsea isaga oo dib ula midoobay Maurzio Sarri oo uu kula soo shaqeeyay kooxdiisii hore ee Nopli. Gonzalo Higuain oo ay mulkiyadiisa iska leedahay kooxda Juventus ayaa soo gaba gabeeyay amaahdii uu AC Milan ku joogay si uu Stamford Bridge ugu soo biiro.

Gonzalo Higuain ayaa Sarri u soo ciyaaray 42 kulan wuxuuna ku soo dhaliyay 38 gool taas oo muujinaysa sababta uu wali Sarri ku aaminsan yahay in Higuian uu si buuxda u xalin karo gool yaraanta Blues ee xili ciyaareedkan.

Gonzalo Higuain oo 31 sano jir ah ayaa qaybtii hore ee xili ciyaareedkan amaah ku joogay AC Milan halkaas oo uu 8 gool ku soo dhaliyay laakiin xidigan khibrada badan leh ayaa hore uga soo ciyaaray kooxaha Juventus iyo Real Madrid taas oo ka dhigtay gool dhaliyaasha Yurub ugu khibrada badan.

Gonzalo Higuain ayaa xili ciyaareedkii 2015/16 kii ee uu Sarri kula shaqaynayay kooxda Napoli waxa uu soo dhigay rekoodhka ilaa hadda Serie A ka taagan ee uu 36 gool hal xili ciyaareed ugu soo dhaliyay waana rekoodh uu Sarri jeclaan lahaa in uu markale ku arko Gonzalo Higuain oo Blues jooga.

Markii uu qalinka ku duugay heshiiska uu Chelsea ugu soo biiray Gonzalo Higuain ayaa ka hadlay dareenkiisa iyo qaabkii uu fursadan uga faa’iidaystay wuxuuna yidhi: “Markii ay fursada aan Chelsea ugu biiri karaa lafteedu isa soo bandhigtay, waxaa waajib igu ahayd in aan qaato. Waa koox aan markastaba jeclaa oo taariikh badan  iyo garoon layaableh leh, waxayna ka ciyaaraan Premier league, waana horyaal aan markaasta doonayay in aan ka ciyaaro”.

“Hadda waxaan rajaynayaa in aan garoonka dhexdiisa dib ugu bixiyo aaminada ay aniga Chelsea iimuujisay, anigu ma sugi karayo in aan bilawdo waxaanan rajaynayaa in aan ula qabsado sida ugu deg dega badan ee ugu suurtogalsan” ayuu Higuain hadalkiisa sii raaciyay.

Agaasimaha koxoda Chelsea ee  Marina Granovskaia oo saxiixa Higuain ka hadlaysa ayaa yidhi: “Gonzalo wuxuu noo ahaa bartilmaameedkyaga kowaad ee suuqa kala iibiga wuxuuna soo gaadhay isaga oo leh rekoodh cadaan ah oo uu heerka ugu saraysa ah, waxa uu hore ula shaqeeyay Maurizio Sarri oo uu saamayn wayn ku soo yeeshay wuxuuna la mid yahay sida uu tababaruhu jecel yahay in uu u ciyaaro”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here