Maamulka Gobolka Banaadir Oo ku guulestay in ay damiyaan dab xalay saq dhexe ka kacay Muqdisho.

20
311
Jimco 25 Janaayo 2019 (RBB News) Maamulka gobolka Banaadir iyo shirkada Hormud Telcom ayaa siwada jir waxa ay ugu guuleysteen in la damiyo dab xalay  ka kacay suuqa weyn ee degmada wadajir Abaaro 12:30 saq dhexe.
Dabkaasi waxa uu burburiyay qeybo ka mid ah suuqa gaar ahaan halka lagu Magacaabo Qandallada.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in uu si aad ah ugu mahadcelinaayo Kooxaha gurmadka deg dega ah oo ay ku horreyso Shirkadda oo Hormuud oo dadaal badan ku bixiyay in dabka uusan gaarin Goobo kale oo ka mid ah Suuqa qeybihiisa kale
Gawaarida gurmadka deg dega ah ayaa xalay saq dhexe ku guuleystay in ay damiyaan dabkaasi.
Lama xaqiijin karo waxyaabaha sababay dabka iyo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, waxaana maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen in ay tirakoob ay ku sameyn doonaan Khasaaraha dabka.
Maamulka gobolku waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritano lagu sameyn doono waxyaabaha soo celceliyay gubashadda Suuqyadda Muqdisho, islamaraana la xisaabtami doonaan Shirkaddaha Korontada oo inta badan dabku ay kadhashaan.

20 COMMENTS

  1. Very nice info and straight to the point. I am not sure if this is truly the best place to ask but do you folks have any ideea where to hire some professional writers? Thanks

  2. I will right away clutch your rss feed as I can not in finding your e-mail subscription hyperlink or newsletter service. Do you have any? Please allow me recognise so that I may subscribe. Thanks.

  3. Usually I don at learn article on blogs, but I would like to say that this write-up very forced me to check out and do it! Your writing taste has been surprised me. Thank you, quite nice article.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here