Waa kuma Saddexda Saxiix Ee Kooxdooda Liverpool Xili Ciyaareedkan Ugu Fiicnaa?

0
71

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa codbixin ku go’aamiyay saddexda saxiix ee kooxdooda Reds ugu fiicnaa xili ciyaareedkan waxayna sidoo kale go’aamiyeen ciyaartoyda ay inta ugu badan niyadjabka ka soo qaadeen xili ciyaareedkan waxaana ku jira xidig la filayay in uu saamayn wayn yeelanayo xili ciyaareedkan.

 

Codbixin uu u ururiyay wargayska Liverpool Echo ee magaalada Liverpool ka soo baxa ayaa lagu ogaaday in Naby Kieta uu yahay xidiga ay inta ugu badan jamaahiirta Reds ka niyadjabsan yihiin ee aan soo bandhigin wixii laga filayay markii uu Anfield soo gaadhay.

 

Naby Keita ayaa kulamadii xili ciyaareedkan ugu horeeyay bandhigyo fiican sameeyay laakiin dhaawac soo gaadhay ayaa gabi ahaanba badalay xaaladiisii fiicnayd ee uu Liverpool ugu bilawday wuxuuna ilaa hadda raadinayaa qaab ciyaareedkii uu Klopp ugu soo jiitay kooxdiisii hore ee RB Leipzig.

 

Boqoliiba 62.5% ka mid ah jamaahiirtii kooxda Liverpool ee ka qayb gashay codbixintan ayaa go’aamiyay in Naby Keita uu yahay niyadjabka ugu wayn ee kooxdooda intii xili ciyaareedkan lagu jiray waana arin muujinaysa in Keita aad uga fog yahay wixii laga filayay.

 

Mid ka mid ah taageerayaashii Liverpool ee ka qayb galay codbixintan ayaa erayo dhawr ah ku soo koobay xalaada Naby Keita wuxuuna soo qoray: “Marka laga reebo kulankiisii kowaad ee West Ham, isagu wuu liitay, ma jiraan goolal ama gool caawin-waa niyadjab”.

 

Dhinaca kale goolhaye Alisson Becker ayay jamaahiirta Liverpool si shaki la’aan ah ugu codeeyeen saxiixii kooxdooda ee xili ciyaareedkan ugu fiicnaa waxaana soo raacay Fabinho iyo Shaqiri oo ka mid noqday saddexda saxiix ee Reds xili ciyaareedkan ugu fiicnaa ee ay jamaahiirta Reds u codeeyeen.

 

Alberto Moreno, Jordan Henderson, Daniel Sturridge iyo Joel Matip ayaa dhamaantood ku soo baxay liiska ciyaartoyda niyadjabka ku soo abuuray jamaahiirta Liverpool intii uu xili ciyaareedkani socday ee ay codbixintooda ka soo dhex baxday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here