Arsenal Oo Xidhiidh La Samaysay Xidig Ay Waqtiga Dheer Raadineysay Man United.

0
63

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay Inter Milan kala soo wareegto gool dhaliyaha reer Croatia ee Ivan Perisic kaas oo waqti dheer diirada u saarnaa Manchester United. Ivan Perisic ayaa maamulka kooxdiisa Inter Milan ku war galiyay in aanu doonayn in uu ka sii ciyaaro Serie A waxayna diyaar u yihiin in ay iibiyaan.

 

Laakiin Arsenal ayaan kali ku ahayn tartanka loogu jiro saxiixa Ivan Perisic waxaana kula tartamaysa Atletico Madrid iyada oo wargayska Gazzetta dello Sport uu shaaciyay in maamulka Inter Milan ay Perisic ku iibin karaan qiimo lacageed oo u dhexeeya 35-40 milyan euros.

 

Arsenal ayaa xidhiidh la samaysay Inter Milan waxayna ka doonaysaa saxiixa Ivan Perisic kaas oo hadda u muuqda in uu ka baxayo kooxdiisa Inter kadib markii uu suuqii xagaagii la soo dhaafay ku fashilmay in uu Man United ku biiro.

 

Ivan Perisic oo Inter Milan kaga soo biiray kooxda Wolfsburg intii lagu jiray sanadkii 2015 ayaa ugu danbayn diyaar u ah in uu ka baxo San Siro isaga oo aan doonayn in uu baaqi ku sii ahaado Serie A laakiin Arsenal oo suuqa ugu jirtay ciyaartoy ay kooxdeeda ku soo xoojiso ayaa isha ku haysa saxiixa Perisic.

 

Arsenal ayaa markii hore si xoogan loola xidhiidhinayay xidiga reer Belgium ee Yannick Carrasco kaas oo isna diyaar u ah in uu iskaga baxo horyaalka Chinese Super League laakiin Inter Milan ayaa badalka Ivan Perisic u aragta Yannick Carrasco kaas oo si toos ah u badali kara xidiga reer Belgium.

 

Laakiin maamulka Inter Milan ayaa doonaya in marka hore ay iibiyaan Ivan Perisic si ay lacagtiisa ugula soo wareegi karaan Yannick Carrasco oo ka tirsan kooxda reer China ee Dalian Yifang.

 

Markii uu Jose Mourinho maamulayay Man United waxa uu waqti dheer doonayay in uu Ivan Perisic keeno Man United laakiin qiimihii ay Inter Milan ku doonaysay ayaa suurtogal ka dhigi waayay in Mourinho uu xidigan ka dhigo ciyaartoy Man United ah.

 

Inkasta oo uu Unai Emery cadeeyay in kooxdiisu ayna suuqa bishan January wax lacag ah u haysan suuqa balse ay amaah kaliya kula soo wareegi karaan, ayaan ilaa hadda la ogayn in dalabka Arsenal ee Ivan Perisic uu noqon doono mid amaah ku bilaami doona balse ay dhamaadka xili ciyaareedkan iibsan karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here