Kooxaha Daacish iyo Alshabaab oo kudagaalamay Gobolka Bari.

0
99

Isniin 28 Janaayo 2019 (RBB News) – Wararkaa inaga soo gaaraya deegan 70km u jiro magaalada boosaaso o lagu magacaabo ceelka miraaale ayaaa waxa ka dhacay Dagaal u dhexeeya kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish

Waxana Dadka deegaanka oo ey inoo sheegen in eey maqlayeen dhawaqa rasaas socotay muddo saacado ah, taas oo u dhaxeysay labada dhinac e halkaasi ku wada dagaalamaye balse waxa ey shegen in dhaawac iyo dhimasho midna aan ishoodu qaban.

Sido kale Dadka deegaanka ayaa intaa ku daray in ay Al-Shabaab ku amreen in ay ka guuraan dhulka wadooyinka ah, markii ay tageen agagaarka Ceelka Miraale.

18-kii bishii December ee sanadkii 2018, ayey ahayd markii Al-Shabaab iyo Daacish eey kuwada dagaalameen meel aan ka fogayn dhulkan buralayda gobolka Bari ah ee maanta uu daagalku ka dhacay, kadib markii dagaalyahano Al-Shabaab ka mid ah ay ka tageen dhinaca buuraha Galgala oo ay fariisimo ku leeyihiin, iyagoo duulaan ku ah fariisimaha Daacish ay ku leeyihiin buuraha gobolka Bari.

Dhanka kale Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin dagaaladan la sheegay in ay u dhexeeyan Al-Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale,
Iyadoona wax war ah eeysan s.kale kasoo bixin labada dhinac ee dagaalamay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here