Nin Kiinyan ah oo Aabihiis u dilay lacag darteed.

0
148

Khamiis 07 Feebarayo 2019 (RBB News) – Nin Kenyan ah ayaa aabihiis ku dilay dalka Kenya, kaddib markii uu u diiday lacag dhan $60,000.

Boliska Ismaamulka Nyandarua ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay dambilaha dilay aabihiis, waxaana ay boolisku sheegeen in ninkaan markii uu dilay uu cad cad u jar jaray hilibka aabahiis.

Dhacdada foosha xun kaddib dambiilaha ayaa la sheegay in uu u baxsaday suuqa tuulada Silanga, waxaana uu saaxiibadiis la wadaagay in uu dilay aabihiis oo 63 sanno jir ah, kaddib markii uu sheegay in aabihiis uu u diiday lacag dhan $60,000.

“Aabahay wuxuu isku dayay in uu I dharbaaxo markii aan waydiistay in uu I siiyo lacagta, wuxuu igu yiri waxaad tahay caajisoole aan waxtar lahayn, kaddib waan iska celiyay, waxaana u dhigay cashar lama ilawaan ah”, Ninka wax dilay ayaa sidaas u sheegay qaar kamid ah deriskiisa.

“Kama shalaytaysnayo wixii aan sameeyay, ugu dambeyna waan dilay aabahay, waxaana u jarjaray hilibkiisi cad cad” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Boolisku oo xiray ninka dilka aabihiis ku eedaysan waxay sheegeen in baaritaan kaddib eedeysanaha sharciga la horgeyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here