Faah Faahino kasoo baxayo qarax gaari lagu xiray oo ka dhacay Muqdisho.

0
76

Arbaco 13 Feebarayo 2019 (RBB News) – Hal ruux oo ahaa wadihii gaariga ayaa ku dhintay kadib qarax lagu xiray gaari oo ka dhacay laami yaraha Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigaan oo ah nooca xabadda aysan karin, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu leeyahay mid ka mid ah masuuliyiinta Dowladda Federalka Somaliya ka tirsan.

Lama oga meesha qaraxa looga xiray gaarigaan, balse Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegaya inay wadaan baaritaanka ku aadan qaraxaasi.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamada Booliska oo maydka marxuumka dhintay meesha ka qaaday.