Kooxa burcado oo xalay dalka Koonfu Afrika dil ugeestay muwaadin Soomaaliyeed

0
128

Wararka ka imaanaya dalka koonfur Africa ayaa  kusoo waramaya in muwaadin somaliyeed oo ku nool magaalada port elizabeth e dalkaasi xalay dil loo geeystay.

Kooxo burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay weeraray muwadinka somaliyeed kaasi oo goob ganacsi ah kulaha halkaasi iyagoona dil ugu geeystay xili uu ka yimid goobtisa ganacsi Ee uga furneed xafada new brigthon ee magaalada Port Elizabethe ee wadanka Koonfur Afrika.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim,waxaana uu kamid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika,iyadoo ragii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Inta badan Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhaca dilal kala duwan,kuaawsi oo loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi ku ganacsata,waxaana Sanadkaan cusub ee 2019 gudihiisa lagu dilay dalkaasi dhowr qof oo Soomaali ah