Maxay ka Wada Hadlayaan Madaxda Dalalka Jabuuti Iyo Soomaaliya

0
101

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa xalay gaaray dalka Jabuuti waxaana la filayaa in uu Maanta halkaasi kula kulmo dhigiisa dalka Jabuuti.

Waxyaabaha ay kulankooda diiradda ku saari doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Faramaajo iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka walaaltinimo Ee Labada Dal, ka hadal waxyaabaha ku xeeran Gobolka iyo Iskaashiga dhinaca Amniga.

Saacadaha Nasoo aadan ayaa la filayaa in madaxweyne Faramaajo uu gaaro Caasimadda Dalka Itoobiya Ee Adis ababa Halkaas uu kula kulmi doono Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Waxaana si weyn looga war dhowrayaa waxyaabaha kasoo bixi doona Kulanka ay yeelan doonaan Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxweyne Faramaajo iyado kulankoodu bilow iyo Gogol xaar u noqon doonto in ay dib u bilowdaan Wada hadalada Labada dhinac