Madaxweyne Farmaajo oo ku soo laabtay Muqdisho

0
231

Iyadoo malmo kahor madaxweynaha jamhuriyda federalka somaliya maxamed cabdulahi farmajo oo um bababaxay wadanka brundi islamarkaana kulan layeeshay madaxweynaha dalka brundi kaasi oo uu kala hadlay xoojinta xirirka ka dhaxeeya dalalkasi isagoo s.kale gaare dowlada walalaha eynu nahay ee jabuuti ka dhaxaaye ayaa waxa uu maanta dib ugu soo laabtay magalada muqdisho ee casimada dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey  oo  Booqasho shaqo kusoo kala bixiyey Wadamada Burundi iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Dalka

Madaxweynaha JFS ayaa intii uu ku sugnaa dalka Burundi waxuu kulan uu la qaatay Madaxweynaha Burundi, isaggoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay siddii la isaga kaashan lahaa dagaal lagu jiro Kooxda Alshabaab, maadaama Burundi dalka Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.