Faahfaahino ka soo baxaya gabar yar oo lagu dila magaalada Gaalkacyo

0
91

25 Febraayo 2019 (RBB News) –Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan gabar yar oo lagu diley meydkeedana la soo dhigey xaafad ka mid ah magaalada Gaalkacyo.Gabadha oo magaceeda la oran jirey Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd 12 sano jir ayaa waaberigii saaka la soo dhigey meydkeeda afaafka hore ee guriga ay qoyskeedu ka degen yahay magaalada Gaalkacyo.

Gabadhan ayaa la waayay shalay subax oo adeeg ay qoyskeeda u doontay waxaana shalay oo dhan laga baafinayay idaacadaha magaalada Gaalkacyo iyo weliba baraha bulshada.
Meydka gabadhan ayaa la sheegay inay ka muuqday nabaro sheegaya in fal anshax darro ah lagula kacay kadibna ceeji lagu dilay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada booliska magaalada Gaalkacyo ay wadaan baaritaan la doonayo in lagu helo dadkii ka dambeeyay dilka gabadhan.

Booliska ayaa la sheegay in ay heleen warar sheegaya in gaari yar oo labo lambar kaliya leh meydka gabadha uu dhigey afaafka hore ee guriga qoyska gabadha la diley.

Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa si weyn looga hadal hayaa dilka gabadhan iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee fal noocan oo kale ah uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo.