Muxuu yahay Qolfoofka reer Jigjiga ay usoo daawasho tageen?

0
95

Image result for bbc somalia logo

Arbaco, Feberaayo, 27, 2019 (RBB NEWS) –  Qalfoofkaan oo la aaminsan yahay in uu yahay bina’aadam noolaa waqti laga jooga labo milyan oo sano ka hor ayaa laga helay deegaanka Canfarta ee dalka Itoobiya.

Wasaaradda dib u heshiisiinta ee dalkaas ayaana qolfoofkan iyo dadka wadaba bixinaysa qarashaka ku baxaya, iyada oo ku dabaqeyso qorshe nabadeed la rabo in la isugu soo dhaaweeyo qoomiydaha dalka Itoobiya oo intooda badan ay colaad dhexmartay.

Culimida ku xeeldheer raadadka cilmigii hore ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in qolfoofkan uu yahay ruux dumar ah oo lagu magcaabi jiray Luziya.

Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo shalay la geeyay qalfoofkan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha uga hortagay oo halkaasi ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka maamulka dowladd deegaanka iyo kooxaha dhaqanka.

.
Image captionDad badan oo Soomaalida deegaanka ayaa usoo daawasho tegay

Hoolka Qaryan dhoodaan ee magaalada Jigjiga ayaa xalay xaflad casho sharaf ah loogu sameeyay kooxdii galbinaysay qolfoofkan, waxaana dadkii ka hadlay halkaasi ay ka jeediyeen hadalo soo dhaweyn ah..

Dad badan oo ka soo qeyb galay xafladda soo dhaweynta qalfoofkan ayaa xiiseenayay in ay arkaan lafahaan qadiimiga ah. Qalfoofkan ayaa marka lagu soo bandhigayo goobaha dhaqanka ee dalka Itoobiya, waxaa loo ekeysiiyaa xayawaanka daanyeerka ah oo suurad ahaan bin’aadamka ka agdhaw.

Muuqaalka Qalfoofkan ee lagu soo bandhigay Jigjiga ayaa ah lafo dhaadheer, waxaana ka muuqdo in muddo dheer ay jiraan.

Kooxda wada qolfoofkaan ayaa sii joogi doona dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana la filayaa in ay uga sii gudbaan deegaano kale oo ka mid ah dalkaas.

.
Image captionQalfoof
.
Image captionQalfoof