Qaraxyo wali la maqlayo iyo rasaas ka dhacayso Dhismaha Hotel Maka Al Mukarama

0
37

Muqdisho (RBB NEWS) – Waaberigii saaka ayaa mar kale qaraxyo iyo rasaas laga maqlay halkii xalay uu qaraxa xoogan ka dhacay, waxaana la rumeysan yahay in wali howlgalka uusan dhamaan.

Qarax ayaa abaaro 06:20 am ee saaka laga maqlay dhismaha hoteelada Hillaac Uk iyo Maka Al Mukarama, iyadoo kadib ciidamada amaanka ay rasaas xoogan ay fureen.

Xalay ilaa 02:00 am ayaa dagaalka uu gaaray, waxaana wali laga shaki qabaa kooxda weerarka soo qaaday inay ku jiraan dhismaha xiriiriya hoteelada Maka Al Mukarama iyo Hillaac UK oo isku dhegan.

Dad badan ayaa halkaasi ku go’doonsanaa ilaa xalay, ciidamada amaanka ayaana wada howlgalkii ugu dambeeyay oo ay kula dagaalamay kooxda weerarka qaaday.

Bambooyin ayaa mararka qaar laga dhex maqlayay hotelka Maka Al Mukarama, waxaana burbur xoogan uusoo gaaray dhismayaasha ku yaala agagaarka hoteelka.

Xarumaha caafimaadka waxaa la dhigay dad badan oo la aqoonsan waayay dhaawacyadooda walow markii dambe la helay eheladooda, waxaana loo baahnaa dhiigag kala duwan sida dhaqaatiirta ay sheegeen.

Laama amaanka dowladda Soomaaliya wali si fiican kagama aysan hadlin xogta dhabta, waxaase soo baxaya in ku dhawaad 60 ruux ay waxyeelo kala duwan uu soo gaaray tan iyo xalay.