Dawooyinka dhiig karka aadka u sarreeya waxaa u baahi qaba kumannaan qof oo Ingiriiska ku nool

0
461

Image result for bbc somalia logo

Habkan cusub ee lagu baadhayo laguna daweynayo cudurka dhiig-karka ayaa la sheegay iney ka faa’ideysan doonaan kumannaan qof oo baahi u qabay dawooyinka cudurkaasi oo ku nool England iyo Wales.

Dhakhaatiirtan caafimaadka oo mudda daraasad soo waday ayaa waxay sheegeen iney daraasaddooda ku ogaadeen iney jirto baahi la xidhiidha dawada cudurka dhiig karka ee heerka koobaad si looga hortago wadna xanuunka iyo dhiigga madaxa ku furmo ee la soo darso dadka dhiig karka qaba.

“Dad ay tiradooda gaareyso 450,000 oo qof oo dawa aan hoay u helin jirin 270,000 oo ka mid ah ayaa haatan helay adeeg dawo taasoo la dagaallanka cudurka qayb weyn ka qaadaneyso” ayey dhakhaatiirtu raaciyeen.

Waxayna dhakhaatiirtu ka digeen qofka haddii uu Dhiig karka sida ugu habboon uu isaga daweyn waayo ay ku iman karto khatar caafimaad oo aad u adag.

Dadka inta badan cabbirka dhiiggooda uu gaara 140/90 iyo wixi ka sarreeya oo u baahan adaweyn degdeg ah waxaa sidi la rabay dawa u qaato ama xaruumaha caafimaadka la xiriiro 20% oo keli ah.

Tobanki sano ee ugu dambeeyeyna waxaa koradhay tirada dadka u dhinta dhiig karka oo ay da’dooda ka hooseyso 80 jir.

Machadka baaridda caafmaadka ee Britain ayaa wuxuu ku tala bixinayaa iney dadka cudurkaasi qaba ay baaritaan iyo daweyn joogta ahba sameeyaan.

Cilmi baadhistana waxaa kale oo ay sheegtay dadka cudurkaasi qaba waxyaabaha khatarta ku timaadda sii hurinaya iney ka mid yihiin:

  • Cabbidda Sigaarka
  • Qofka oo buuran
  • Khamri Cabidda
  • Da’da
  • Jinsiga
  • Hab nooleedka qoyska iwm…

Machadku wuxuu sheegay iney ka go’an tahay baaritaanka iyo daweynta dhiig karka aadka u sarreeya inta aysan ka dhalan wadna xanuun iyo maskaxda oo uu dhiig ku furma.

Dhigg karka aadka u sarreeya oo 4-tii qofba mid ka mid ah ku dhaca sanad kasta waxaa Ingiriiska oo keli ah ugu dhinto 75,000 oo qof iyada oo malaayiin qof oo cusurkaasi qabana ay iska daweyn xaruumaha caafimaadka uu wax xiriir ah la lahyn.

Nidaamka cusub ee ay sheegeen khubaradu in lagu yareyn karo saameynta Dhiig karka waxaa shacabka loo soo bandhigi doonaa ilaa iyo 23-ka bisha April, waxaana la daabici doonaa bisha August ee sanadkan.