Saddex ruux oo Soomaali ah oo lagu dilay weerar goor dhaw lagu qaaday Masjid ku yaala New Zealand

0
35

Jimco 16, Maarso 2019 (RBB News) – Labo Masaajid oo ku yaalo magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand ayaa dablay hubaysan ay weerareen, ayadoo lagu jiro xiliga salaada Jimcaha. Inta wararka horudhca ay sheegayaan ayaa dhimashada ka dhigayso 6 qof iyo intaasi ka badan dad ah oo dhawacyo ay soo gaareen

Booliiska magaalada ayaa guud ahaanba magaalada Bandow kusoo rogay waxaan la xirey Schoolada. Dad badan ayaa dareemay cabsi la xariirta arinkan waxaana booliska iyo hayadaha amniga ay baaritaano ugu jiraan raggii dableyda ahaa ee falkaasi ka dambeyey.

Sahra Ahmed oo ka mid ah Somalida degan magaalda Christchurch ayaa sheegtey in dad tiro badan la dhigay Isbitaalka ayagoo dhaawac ah. Sahra Cabdi Axmed ayey khadka telefoonka ugu warantey sida Masaajida la weeraray ay wax uga dhaceen.