Wadooyinka Muqdisho oo saake xiran

0
29

Sabti 16 Maarso 2019 (RBB News) – Ciidamada amaanka Soomalia ayaa saake xiray wadooyinka qaarkood oo ku yaala magaalada muqdisho casimada dalka Soomalia. Wexeyna mamnuuceen in ay baabuurta nooc walba luga isticmaalo waddooyinka marki laga reebo baaburt ey isticmalaan mas’uliinta.

Ciidmada Amaanka Soomaalya ayaa manta lugu arkaaya isgooysyada muhimka ah oo magalada muqdisho ku yaala, waxaana la arkaayiyago gwaarida iyo mootyinka bajaajka dib u celinaayo.

Wadooyinka muhimka xiran waxa ka mid ah waddada ween Maka al Mukarama, sido kale waxa xurna isgooyska KM4 iyo waddada Trabuunka dhanka Taleex.

Sababta ey wadooyinka magaalada ey saake loo xiray wexa waaye in maanta la filaayo in uu Madaxweynaha dalka Jibuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi oo hugaaminaayo in ey magaalda muqdisho imaanayaan.

Xirnaanshaha wadooyinka Magalada Muqdisho ayaa waxaa dhibaato ku qaba dadka Shacabka ah oo xilliyada Shaqada ama goobaha Waxbarashada ay ku wajahan yihiin wadooyinka laga xiro,isla markaana ay ku qasabto inay lugeeyaan.