Sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose

0
81

Axad, Maarso, 17, 2019 (RBB News) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in howlgal ay sameeyeen ciidmaada dowladda Soomaaliya lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Garguduud oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitax Xaaji Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in sarkaalkan sidoo kale lala dilay qaar ka mid ah xoogaggii uu hoggaaminayay kaddib iska horimaad culus oo ay la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xirira sheegashada mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha hoose.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka mid ah deegaannada ay ka dhacaan dagaallada ugu badan iyo weerarrada duqeymaha ah ee lagu beegsado Xarakada Al-shabaab.