Africom : ka hadalka khasaaraha weerarrada duqeymaha waxaan u deynay dowladda Soomaaliya

14
5433

Jimco, Janaayo, 25, 2019 (RBBNEWS)-Taliska howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan weerarrada duqeymaha ah ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Laakiin dhinaca kale taliska howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in ka hadalka khasaaraha duqeymaha ay ka geystaan Soomaaliya u daayeen dowladda Soomaaliya oo ay tahay in ay warbaahinta la wadaagto tirada dhimashada iyo khasaaraha Al-shabaab ka soo gaaray weerarada.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo aad moodo in dowladda Soomaaliya iyo taliska Mareykanka tiro is khilaafsan mar marka qaar ka sheegaan khasaaraha soo gaaray dagaalyahannada Al-shabaab  marka ay dhacaan weerarrada duqeymaha.

Howlgal todobaadkii hore lagu beegsaday Al-shabaab oo ka dhacay meel dulleedka ka ah magaalada Kismaayo ayeey dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu dilay  73 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab , laakiin taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalkaas ku dileen 52 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

Maraykanka ayaa kordhiyay weeraradii duqeymaha ahaa ee uu la beegsan  jirey Al-Shabaab tan iyo markii uu talada dalkaas la wareegay Donald  Trump.

14 COMMENTS

  1. compre los zapatos oficiales sandalias para mujer ezzio

    丕卮賷賰 賱亘爻 禺乇賵噩 卮 賵賶 賴 賱丕賯賷賴 賴賳丕 .. 賱亘賳丕 丕賱賲賳氐賵乇丞 賲賳 丿賶 賮 賰丕 賲乇丕賯亘丞 噩賲賷毓 賴賵丕 賮 丕賱毓丕卅賱丞 亘爻 禺丿丕賲 賰賲賷乇丕 賴匕賴 丕賱賴賵丕 賮 禺賲爻丕 乇丕賲亘 丕賱毓賯賵亘丕 毓賱賶 廿賷乇丕賳 爻 夭賷丿 亘卮賰賱 賰亘賷乇 亘賵丕亘丞 兀禺亘丕乇 丕賱丕胤賮丕賱 丕賱兀丨匕賷丞 丕賱兀丨匕賷丞 賲爻丕丨 丕賱賲賳夭賱 丕賱賳毓丕賱 亘賳丕 噩賷賱賷 丕賱卮丕胤卅 賲丨丕賮馗 卮亘賵丞 賷丐賰丿 兀賳 丕賱乇賴丕賳…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here