Agaasimihii Telefishinka iyo Raadiyaha Puntiland Oo Shaqada Laga Ceyriyay

0
218

Khamiis, RBB News:- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Telefishinka iyo Raadiyaha Puntland, Jamaal Carab Yuusuf.

Madaxweynaha Puntland ayaa xilka ka qaadistaan u cuskaday Xeer Madaxweyne oo sumaddiisu tahay (Lr.14), isagoo u sababeeyay Baahida loo qabo horumarinta Tv-ga iyo Raadiyaha Puntland.

Waxaa xilka agaasimaha si kumeel gaar ah loogu magacaabay Daahir Cabduqaadir Axmed oo horey u ahaa agaasime ku xigeenka Puntland tv.

Jamaal Yuusuf Carab ayaa xilkaan soo hayay tan iyo sanadkii 2016