Ahlusuna oo ku baaqday shir deg deg ah

0
298

Arbaco, RBB News – Weli magaalada dhuusamareeb waxaa ka jira xaalad siyaasadeed oo aan cago buuran ku taagneyn oo ku aadan khilaafka soo kala dhex galay xildhibaanada maamulka Galmudug.

Waxaa jira Kulamo xal raadin ah oo xalay lagu qabtay magaaladaasi inkastoo weli aan la hayn xogta iyo waxyaabaha kasoo baxay kulamadaas.

Khilaafka soo ifbaxaya ee u dhaxeeya xildhibaanada Galmudug ayaa cuuryaaminaya hanaankii iyo dadaaladii ku aadanaa in Galmudug ay yeelato madaxweyne iyo ku xigeenkiisa.

War Ahlusuna ay soo saareen kol sii horeysay waxay ku sheegeen in aysan qeyb ka ahayn dhismaha Galmudug.

Dowladda Federaalka ayey ku eedeeyeen in 69 xildhibaan ee Dowlad goboleedka Galmudug soo xulatay, taas oo la micno ah in aysan Odoyaasha dhaqanka waxba aysan soo xulin.

Waxayna ku baaqeen shir looga hadlayo aayaha Galmudug oo ay iskugu yimaadaan bulshada deegaanada Galmudug.