Ahlusuna oo si kulul uga hadashay shuruudihii ay soo saareen Gudiga Farsamada Galmudug

0
273

Arbaco, RBB News – war kasoo baxay Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa lagu sheegay in ay hor yimideen shuruudaha ay soo bandhigeen Guddiga farsamda dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug oo ku saabsanaa Shuruudaha laga doonayo qofka kamid noqonaya golaha wakiilada ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Sheekh maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukuumadda Galmudug war saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa ayaa waxaa looga soo horjeestay shuruudaha ay soo saareen Guddiga Farsamada maamul dhisidda Galmudug.

Ururka Ahlu Sunna waxay sheegeen in qodobada shuruudaha ee lasoo bandhigay gabi ahaanba aysan qusayn 20ka Xubnood ee ay soo xusheen uguna mid noqonaya Golaha Wakiilada Galmudug.

11-ka ee bishan ayaa war saxaafadeedka lagu sheegay in hishiiska Dowladda fedraalka iyo ahlusna wada gaareen uu xor u siinayo Ahlusuna in si madax banaan usoo dooran karaan 20-ka xubnood ee kamid noqonaya 89-ka xildhibaan ee Maamulka galmudug.

Gudiga doorashooyinka ee ay magacaawday wasaaradda Arimaha gudaha soomaaliya ayey sheegeen in aysan wax shaqo ah ku lahayn 20-ka xubnood ee ka imaanaya dhanka Ahlusuna, Shuruudaha lasoo bandhigayna aysan qusayn.

Shuuradahaas oo ka koobnaa ilaa 11- qodob Waxaa kamid ahaa Heerarka aqoonta, waaya aragnimada, da’da, in uusan fal dambiyeed ciqaab ahaan lagu muteysan karo lix bilood oo xarig ah uusan galin qofka kamid noqonaya Golaha Wakiilada Galmudug iyo qodobo kale.

Waa khilaaf iyo is faham waa kale oo soo ifbaxaya, kaas oo muujinaya in uusan sal adag lahayn hishiiska Dowladda fedraalka iyo Ahlusna wada gaareen dhawaan.

Lamana oga sida xaal noqon doono maadaama ay socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee dhisida galmudug loo dhan yahay.