( Akhriso ):- Maxaa looga hadli doonaa Kulanka Golaha Shacabka Maanta ku yeelanayaan Muqdisho?

0
220

Isniin, RBB News – Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta Kulankooda 24-aad kalfadhiga 5-aad waxay ku yeelanayaan xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa goor sii horeysay lagu wargaliyay loona diray fariimo ku saabsan in ay soo xaadiraan Kulanka, waxaana saacadaha nasoo aadan furmi doonaa kulanka ay yeelan doonaa Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ajandaha Kulanka ayaa ah in ay xildhibaanada akhrinta 3-aad marsiiyaan Wax ka badalka Sharciga Saxaafadda.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay Xildhibaanadu yeesheen ayaa waxay akhrinta 1-aad marsiiyeen wax ka Bedelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dawlada iyo Warbixinta Baarlamaanka Carabta.