Al Shabaab Deegaanka Buulo Fulaay kusoo bandhigay Ergo cusub

0
161

Isniin RBB News:-Al Shabaab ayaa waxa ay soo bandhigeen Ergooyin hor leh oo iska diiwaangaliyay deegaanada ay gacanta ku hayaan, iyadoo muddooyinkii dambe Shabaab ay soo bandhigayeen Ergooyin kala duwan.

Deegaanka Buulo Fulaay oo ka tirsan Gobolka Baay, ayaa waxa ay ku soo bandhigeen Shabaab 76 ruux oo Oday dhaqameed ah, kuwaasi oo ka qayb qaatay Doorashadii lagu soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Somaliya ee ka soo jeeda deeganada Baay & Bakool.

Ergadan oo iska diiwaangeliyay Shabaab ayaa loo sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ka nabadgalayaan Shabaab, maadaama ay ka faa’iideysteen waqtigii cafiska Shabaab ay siiyeen Ergada.

Gudoomiyaha Shabaab ee Gobolada Baay & Bakool Sheekh Macalin Geedow oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay Ergadaasi ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan, islamarkaana falkii hore ee ay sameeyeen loo baahan yahay inay ka towbad keenaa hadda kadibna ay ka fogaadaan arrimahan oo kale.

Qaar ka mid ah Ergada la soo bandhigay oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin cafiska Shabaab ay siiyeen, islamarkaana mar dambe aysan faraha la galeyn arrimaha siyaasaddaha.

Al Shabaab ayaa dhawr mar oo hore sidaan oo kale u soo bandhigay Ergooyin kala duwan oo iska diiwaangeliyay deeganada Shabaab ay gacanta ku hayaan.