Al-Shabaab oo ka hadlay sarkaalka lagu dilay Gaalkacyo

0
369

Sabdi 15, June 2019 (RBB NEWS)_Al-Shabaab ayaa sheegtay  inuu dilay Cali Dhiif oo ka tirsanaa saraakiisha nabad sugidda Galmudug ee Koonfurta Gaalkacyo.

Sababta ay u dileen ayay ku sheegeen inuu hogaaminayay ciidamo Galmudug ka tirsan oo Al-Shabaab dagaalyahanno uga laayay qaarna kaga qabtay xilligii uu socday duulaankii uu Al shabaab  ku qaaday Puntland horraatii 2016.

Dilka sarkaalkaasi ayaa sababay in sagaal qof oo rayid ah ay rag hubaysan xalay ku dilaan Koonfurta Gaalkacyo, sida ay dadka deegaanka  xaqiijiyeen . Dadkaasi ayaa la rumaysan yahay inay qaarkood kasoo jeedaan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin arintaasi,

Dhanka kale wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan, ayaa sheegay  in dadkaasi la laayay ay kasoo jeedaan deegaannada maamulkiisa, waxaana uu sheegay inay baaritaanno wadaan.

Ugaas Xasan ayaa intaa ku daray inay jiraan dad badan oo Koonfur Galbeed u dhashay kuwaasoo cabsi awgeed xalay ku hoyan waayay guryahooda ku yaal Gaalkacyo.

Dhawaan ayay ahayd markii uu maamulka Galmudug beeniyay inuu soo saaray amar la sheegay in deegaannadiisa uu uga mamnuucayo dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Arintaasi ayaa daba socotay kadib markii la sheegay in nin doonayay inuu isku qarxiyo xaflad ay joogeen mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna Waljaamaca oo ka socotay magaalada Guriceel, uu heyb ahaan noqday qof kasoo jeeda Koonfur Galbeed.