Al-shabaab oo saaka aroortii Weerartay Saldhig ku yaal J/hoose

7
9447
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (RBB NEWS) – Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa saaka aroortii weerar qorsheeysan ku qaaday Saldhig ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 50 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.
 
Weerarkan oo markii hore ku bilowday qaraxyo ay Al-shabaab ku weerareen afaafka hore ee Saldhigga ayaa labada dhinac waxaa dhexmaray dagaal fool-ka-fool ah.
 
Sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo codsaday in aan magaciisa la xigan sababo la xiriira in uusan amar u qabin in uu warbaahinta la hadlo ayaa HOL u sheegay in dagaalka intuusan bilaaban ay  Shabaabku laba Qarax oo waaweyn midna ay ka fuliyeen bannaanka saldhigga midna nawaaxiga saldhigga, kadibna ay xigtay rasaas fool-ka-fool ah oo dhexmartay labada dhinac.
 
Ma cadda qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadka mana jiraan masuuliyiin ka tirsan Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka faahfaahin ka bixiyay.
 
Wararka aynu ka heleeyno deegaanka Baar-sanguuni ayaa intaasi ku daraya in gaari walxaha qarxa laga buuxiyay oo Shabaabku uga carareen nawaaxiga Buundada uu qarxay.
 
Wixii kusoo kordha wararkaasi dib ayaanu idinka soo gudbin doonnaa.
 

23-ka Bisha July, ee sanaddii tagtay 2018 ayay ahayd markii sidan oo kale ay Shabaabku weerar ugu qaadeen saldhiggaasi, xilligaa oo ay u suurogashay in ay la wareegaan, wallow markii danbe laga saaray.

7 COMMENTS

  1. 谞注诇讬 专讬爪讛 诇讬诇讚讬诐 专讬讘讜拽 reebok rush runner

    讘讬讟讜讞 专讻讘讬 讞讘专讛 讘讬讟讜讞 爪讬讬 专讻讘 讜 讘讬讟讜讞 专讻讘 拽讜诇拽讟讬讘讬 诇注住拽讬诐 讗讜讛诇 讘讞讬讘讜专 诇专讻讘 kingcamp meilfi 诇讞诪讬砖讛 鈧? pantaloni con riga laterale bianca palazzo saluzzo paesana matrimonio scaldabagno elettrico 200 litri prezzo monete siculo puniche sandaler aust agder…

  2. matelas pour piscine bean bag kerlis zendart design

    c a vesta r暖啪ov谩 od 60. k膷 v.152 verbarium kamar谩tka terka 20. diel emco tappeti tecnici d ingresso pdf dichiarazione ambientale di prodotto per tondo in acciaio in barre addestratore cani a roma allevamento caput mundi gillette venus comfortg lide van…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here