Alshabaab Oo Dagaal Kula Wareegay Saldhig Ciidamda Dowlada Ay Kuleyihiin Duleedka Beydhabo.

0
298

Sabti RBB News:- Dagaaliyahaano Katirsan Alshabaab ayaa weerar ku qaaday fariisimo ciidamda Dowlada ay kuleeyighiin Deegaanka Deynuunaay Oo dhaca duleedka Magaalada Beydhabo Ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayo Dagaalkaasi Waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Alshabaab Ay lawareegeen Saldhig ay ciidamda Dowlada Kulahaayeen Duleedka Magaalada Beydhabo.

Saakay Waabarigii ayay Dagaal Dhowr jiho lagu qaaday ciidamadii kusugnaa Saldhiga ay lawareegeen AL-shabaab waxaana iska cabin ay sameeyeen ciidamda dowlada dabadeed Raggii weerarka soo qaaday usuuro gashay in gacanta ay ku dhigaan saldhigii ay maamulayeen ciidamda Dowlada.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in  Saakay Salaadii subax ay ku tooseen Daryanka Madaafiicda ay isku adeegsanyeen labad dhinac inkastoo ay adagtahay in la ogaado khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ee soo kala gaaray labada dhinac