Alshabaab Oo Isaga Baxay Jamaame Iyo Cabsi Kataagan.

0
220

Axad, RBB News:- Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo inta badan Agabkoodii ciidan kala baxay degmada Jamaame oo Mudo Sanado ah gacanta ay ku hayeen.

Boqolaal katirsan Al-Shabaab oo wada gaadiidka dagaalka, hub badan iyo Saanad Ciidan ayaa Shalay ilaa Xalay isaga baxay gudaha degmada Jamaame oo Jaabiga ay ku hayaan Cutubyo katirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya kuwa Daraawiishta Jubbaland Iyo Saraakiil katirsan Mareykanka.

Saraakiil katirsan Jubbaland ayaa Xaqiijiyay in in gabi ahaan Al-Shabaab ay Sanadooda ciidan kala baxeen Degmada Jamaame oo Mudo ay Maamulaan.

Dhowr maalin ka hor Dowladda Soomaaliya ayaa Sheegtay Al-Shabaab iney ka baxday Degmada Jamaame, walow markii dambe arinkaasi uu noqday mid wali Al-Shabaab ay Joogaan gudaha Jamaame.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in laga cabsi qabo xili walbaa inuu dagaal ka bilowdo Degmada Jamaame, maadama duleedkeeda ay ku sugan yihiin Ciidamo Huwan ah oo doonaya iney galaan magaalada oo mudo Al-Shabaab ay Maamuleysay.