Alshabaab oo Qaaday Dagaallo Ay Markale Kula Wareegayaan Awdhiigle

0
414

Khamiis RBB News:- Waxaa shalay Gelinkii dambe illaa xalay dagaallo xoogan oo La isku adeegsaday madaafiic cul culus uu ka dhacay deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii dagaaliyahaano katirsan Alshabab ay weeraray ay weerar kuqaadeen fariisimo ciidamada Amisom ay kuleeyihiin Deegaanka Bariire.

Deegaanka Bariire iyo Degaanada Udhaw ayaa laga maqlayay Daryanka Madaafiicda ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Dhanka kale Dagaal xoogan ayaa xalay ka dhacay Degmada Owdhiigle oo dhawaan ciidamada Dowlada ay kala wareegeen Alshabaab.

Saraakiil katirsan Ciidamada dowlada ayaa Idaacad Banadir ushegay in alshabaab ay qaadeen dagaal markale ay ku doonayeen in ay Kula wareegaan Degmada Owdhiigle balse ciidamada dowlada ay jab xoogan gaarsiiyeen Shabaabkii weerarka kusoo qaaday sida uu hadalka udhigay.

Al-Shabaab dhankooda waxa ay ka hadleen dagaaladii shalay iyo xalay dhacay waxa ay ku qoreen baraha ay Isticmaalaan inay Gaari Cabdi Bille ah gubeen intii uu socday dagaalka u dhaxeeyay iyaga iyo Ciidamada dowladda, hayeeshee aysan jirin ilo madax bannaan oo xaqiijinaya warkaas.

Saakay waxaa dagan dhamaan goobihii ay dagalladu ka dhaceen ciidamada dowlada ayaana wado baaritaano ay kuxaqiijinayaan Amaanka.