Alshabaab Oo Shaqo Joojin Kusameeyay Labo Amiir Oo Muhiim U ahaa.

0
270

Talaado, RBB News:- Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa waxay shaacisay in Amiirka Al Shabaab uu xilalka ka xayuubay Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay) iyo Bashiir Maxamed Maxamuud (Bashiir Qoorgaab).

Hay’adda NISA ayaa qoraal ay caawa soo saartay ku xaqiijisay in Axmed Diiriye, Amiirka Al Shabaab uu xubnahaasi ka saaray Golaha Fulinta Al Shabaab, sidoo kalena uu ka qaaday xilalkii ay ururka ka hayeen.

NISA ayaa qoraalka ku sheegtay inay tani timid, ka dib markii Bashiir Qoorgaab iyo Mahad Karataay, ay Amiirka Al Shabaab ka dalbadeen inuu joojiyo qaraxyada lagu leynayo shacabka reer Muqdisho.

“Axmed Diiriye, Horjoogaha argagixisada AS ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qoorgaab Golaha Fulinta Xarakada, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen Xarakada, ka dib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho.” Ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

In muddo ahba Amiirka Al Shabaab wuxuu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay Kuxigeenkiisii, Mahad Karataay