AMISOM Oo Qalab Ugu Deeqay Booliska Koonfur Africa.

0
241
AMISOM police officers hand over a donation of an assortment of office equipment to Isak Ali Subak, the Internal Security Minister of the Southwest state, Mukhtar Ibrahim Ahmed, Baidoa District police commissioner and other police officers in Baidoa, Somalia on January 11, 2020. AMISOM Photo

Isniin, RBB News:- Taliska Booliska Amisom ayaa qalab ugu yaboohay Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed, ka dib kulan loogu wareejinaayay qalabkaasi oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Sida lagu sheegay war qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Amisom ayaa wuxuu qalabkan isugu jiraa kuraas, miisas iyo kabarada armaajooyinka.

Sidoo kale qalabkan ayaa loogu tala-galay in loo qaybiyo Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ee ka hawlgala Degmooyinka Afgooye, Marka, Baydhabo, Xudur iyo Berdaale.

Saraakiil Booliska Amisom ka tirsan ayaa waxay deeqdan ku wareejiyeen Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Cali Subag.

Deeqdan ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli dowladdu ay qorsheynayso in ciidan hor leh ay gayso saldhigyada ku yaala degmooyinkaasi, iyadoona uu qalabkan anfici doono.