Amnesty International oo ku eedeysan Mareykanka in uu duqeymo ku dilay dad rayid ah

0
296

Arbaco, Maarso, 20, 2019 (RBB News) – Hay’adda Amnesty International ayaa ka dalbatay Dowladda Maraykanka in ay baaritaan xooggan oo dhexdhexaad ah ku samayso caddeymaha lagu kalsoonaan karo ee muujinaya in duqeymaheeda sii kordhaya ee Soomaaliya ay dileen dad badan oo rayid ah.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay Dagaalka Qarsoon ee uu Maraykanka ka wado Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixinaysa sida 14 qof oo rayid ah ay ugu dhinteen, siddeed kalena ay ugu dhaawacmeen shan duqeyn oo ka mid ah duqeymaha boqolka ka badan ee Soomaaliya ka dhacay labadii sano ee la soo dhaafay.

Shantan duqeyn ayaa waxaa fuliyay diyaarada bilaa duuliyaha ah ee loo yaqaan Reaper iyo kuwa dagaalka, waxaana ay ka dhaceen gobolka Shabeellaha hoose ee uu inta badan ka taliyo ururka Al-Shabaab isla markaana ku dhaw caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Weerarrada ayaa u muuqda kuwa ku xadgudbay sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, qaarkoodna ayba noqon karaan dembiyo dagaal.

Markii ay Amnesty International u soo bandhigtay caddeymaha ay hayso, ayaa Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu ku celiyay inkiraadiisa ah in wax rayid ah aanay ku dhiman hawgalladiisa Soomaaliya.

“Tirada dhimashada dadka rayidka ah ee aan ogaanay inay sababeen weerarro fara kutiris ah ayaa muujinaysa in sirta ku xeeran dowrka Maraykanka ee dagaalka Soomaaliya ay dhab ahaantii tahay boor isku qarin uu kaga gabanayo isla xisaabtan,” ayuu yiri Brian Castner oo ah lataliye sare oo Amnesty International u qaabilsan Hubka iyo Hawlgallada Milateri.

“Waxyaabaha aan ogaanay ayaa si toos ah u khilaafsan sheegashada milateriga Maraykanka ee ah inaanay cid rayid ah ku dilin Soomaaliya. Sheegashadaasi ayaa u muuqata mid khiyaali ah marka aad eegto in Maraykanka uu saddex laab kordhiyay duqeymaha uu dalkaasi ka fuliyo tan iyo 2016, kuwaasoo ka batay wadarta duqeymaha uu ka fuliyo Liibiya iyo Yaman.”

Cilmi-baarayaasha Amnesty International ee warbixintan diyaariyay ayaa u safray Soomaaliya, waxaana ay waraysi la yeesheen in ka badan 150 goobjoogayaal ah, qaraabada dadkii waxyeelloobay, dad ka barakacay dagaalka iyo khubaro ay ka mid yihiin kuwa milateriga Maraykanka, waxaana ay si weyn u darseen caddeymaha ay heleen oo ay ka mid yihiin muuqaallo dayax gacmeedka lagu qaaday, haraadiga rasaasta iyo sawirro laga qaaday goobaha ay duqeymaha ka dhaceen.

Duqeymaha oo kordhay kadib markii uu Trump wiiqay ilaalintooda

Tirada duqeymaha Maraykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ayaa aad sare ugu kacday kadib 30-kii Maarso 2017, markaas oo uu madaxweyne Trump saxiixay amar madaxweyne oo u aqoonsaday qaybo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya “goob colaaddi ka taagan tahay”.

Ciidamada Maraykanka ayaa 34 duqeyn ka fuliyay Soomaaliya sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay 2017, tiradaasi oo ka badan guud ahaan duqeymaha uu dalkaasi ka geystay shantii sano ee u dhexeysay 2012 ilaa 2016. Weerarrada ayaa sii kordhay 2018 waxaana ay gaareen 47 duqeyn, halka labadii bilood ee sanadkan 2019 ugu horreeyay ay dhaceen 24 duqeyn.

Sida uu Amnesty International u sheegay Sarreeye Guuto hawlgab ka noqday ciidamada Maraykanka, waxaa yaraaday culayska ay milateriga Maraykanka ku xaqiijinayeen in dadka rayidka ah aanay ku dhiman duqeymaha cirka. Waxaa kale oo walaac leh in jananka uu rumaysan yahay in amarka madaxweynaha uu ballaariyay noocyada dadka lagu bartilmaameedsan karo duqeymaha oo uu ku daray dhammaan ragga qaangaarka ah ee ku nool deegaannada laga taageersan yahay Al-Shabaab isla markaana loo arko inay u dhaw yihiin dagaalyahannada. Awoodda beegsi ee noocaasi ah ayaa meel ka dhac ku noqon karta sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, waxaana ay horseedi kartaa in si sharci darro ah lagu laayo dadka rayidka ah.

Tuusaale ahaan, duqeyn ka dhacday tuuladda Faarax Wacays ayaa AFRICOM waxa ay ku sheegtay in “dhammaan dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay ay ahaayeen xubnaha ama dad taabacsan Al-Shabaab,” halka Amnesty International ay diiwaangelisay in laba nin oo rayid ah ay halkaa ku dhinteen, shan dumar iyo carruur ahna ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxaa jiray khasaaro soo gaaray Al-Shabaab.

Caddeymo xooggan oo muujinaya khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah

Amnesty International ayaa ogaatay caddeymo xooggan oo muujinaya in shan duqeyn oo uu geystay Maraykanka ay dileen 14 qof oo rayid ah isla markaana ay dhaawaceen siddeed kale, waxaana weerarradaasi ay noqon karaan kuwo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, qaarkoodna ay suuragal tahay inay u dhigmaan dembiyo dagaal. Warar kale oo sheegaya in dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen duqeymo kale ayaan si buuxda loo xaqiijin si loogu daro warbixintan.

Mid ka mid ah duqeymaha milateriga Maraykanka uu fuliyay ayaa saddex nin oo ka mid ah beeraleyda maxalliga ah ku dishay beer u dhaw deegaanka Daarusalaam saacadihii hore ee 12-kii Noofeembar 2017. Waxa ay ku nasanayeen meel bannaan ah kadib markii ay saacado badan oo habeenkii ah qodayeen kanaal beereed.

Abaare 3-dii saqda dhexe ayaa digniin la’aan waxaa goobta ka dhacay duqeyn. Qaraxa ayaa ku qasbay beeraleyda kale inay gabbaad raadsaday, halka uu hurdada ka kaciyay dadka ku nool laba tuulo oo goobta u dhawaa. Dadka deegaanka ee ugu hor arkay meydka raggaasi ayaa qeexay dhaawacyada argagaxa leh ee ka muuqday jirkooda.

Amnesty International ayaa markii dambe daristay sawirro caddeyn ah oo laga soo qaaday meydadka, waxaana ka muuqday waxa ay sheegeen dadkii goobjooga ahaa. Laba ka mid ah raggaasi ayaa jirkoodu si xun u go go’ay. Ninka hore waxa uu firir weyn ka galay wejiga, waxaana uu burburiyay lafta wejiga. Gacmihiisa gadaal ayay u go’een, waxaana uu harag yar ku hayay jirkiisa. Wejiga, dhuunta iyo xabadka ninka labaad ayaa waxaa duleeliyay dhowr firir. Ninka saddexaadna waxa uu dhaawac weyn kaga yaallay dhinaca, duleel yarna waxa uu ka muuqday madaxiisa, meel ka yara sarraysa isha midig.

Beeraley ka soo jeeda deegaanka Daarusalaam ayaa u sheegay Amnesty International in “Guuxa diyaaradda uu ka xoogganaa sidii hore habeenkaasi uu weerarka dhacayay. Todobaadyadii hore, way iman jirtay, kadibna laaban jirtay, habeenkaase ma aanay tegin. Meesha uun bay dul wareegaysay. Marka ay dhacday jugta qaraxa, waxkasta way joogsadeen….Aad ayaan u cabsaday. Ma waardiyeyn karin beerta. Waxaan galay oo isku qariyay geed hoostii…Ma aanay fileyn saddexda nin ee dhalinyarada ah inay dili doonto diyaarad, anaguna ma aanan fileyn in caalamka uu ka aamusi doono dhacdadaasi.”

Kiisaska kale ee ay baartay Amnesty International ayaa qaar ka mid ah dadka deegaanka waxa ay u aqoonsadeen shakhsiyaadka ku waxyeeloobay weerarrada kuwo rayid ah oo aan ahayn dagaalyahannada Al-Shabaab.

Sawirrada laga soo qaaday saddexda beeraley ee ku dhintay duqeynta iyo meesha ay meydadkooda yaaleen ayaa u fududeeyay Kooxda Xaqiijinta Dijitaalka ee Amnesty International inay helaan goobta ay ka dhacday duqeynta.

Waxa ay sidoo kale bixiyeen tilmaamo muhiim ah, sida godka uu qoday qaraxa tanka weyn iyo weliba firirka gantaalka oo si aan muran ku jirin ahaa nooca GBU-69/B Small Glide Munition. Hubka noocaasi ah waxaa ridi kara oo keliya diyaaradaha AC-130 ee ciidamada cirka ee Maraykanka, waana mid inta badan hawada looga taageero ciidamada lugta ee aan ahayn mid u gaar ah duqeynta cirka. Diyaaradda noocaasi ah oo aan Soomaaliya lagu arag muddo toban sano ka badan, ayaa isticmaalkeeda waxa uu sii ballaarinayaa colaadda. Taliska AFRICOM ma aanu shaacin adeegsiga diyaaradaha AC-130, balse waxa uu xaqiijiyay in diyaaraddaasi ay duqeyn ka fulisay gobolka Shabeellaha hoose qiyaastii 3-dii saqda dhexe taariikhdu marka ay ahayd 12-kii Noofeembar 2017, waxaana uu taliska sheegay inay dishay mintidiin “dhowr” ah.

Duqeyn kale ayaa waxaa ku dhintay shan qof oo rayid ah oo ay ka mid yihiin laba carruur ah, kadib markii gaari ay Al-Shabaab wateen uu qarxay xilli uu marayay tuulada Illimey 6-dii Disembar 2017. Muuqaallo lagu qaaday dayax gacmeedka ayaa muujinaya in ilaa 10 dhismo ay qeyb ahaan ku burbureen qaraxa iyo dabka uu dhaliyay.

Qof saaxiib la ahaa mid ka mid ah dadka ku dhintay halkaasi ayaa jugta qaraxa ka maqlay tuulada Farsooley oo 14 kilo mitir u jirta Illimey: “Waxa uu ahaa qarax weyn…Shan daqiiqo gudahood waxaa ii muuqday qiiq madow oo meesha ka kacay. Waxaan isu sheegnay in wax xun ay meeshaasi ka dhaceen. Waxaan u orday goobta uu qaraxa ka dhacay …[gaarigana] waxa uu ahaa mid gebi ahaanba burburay. Tuulada oo dhan way gubatay. Dhammaan geedaha meesha ka agdhawaa iyaguna way gubteen. God weyn ayaa ka qodmay meesha uu gantaalka ku haleelay gaariga.”

Inkastoo taliska AFRICOM uu si adag u beeniyay inuu weerar ka fuliyay Illimey, ayaa haddana waxaa jirta caddeyn xooggan uu muujinaysa in duqeyn ay halkaa ka dhacday, iyo in ay suuragal tahay in xooggaga ammaanka ee Maraykanka ay ku lug lahaayeen.

Warbaahinta iyo dhowr goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay markii hawada rasaas looga soo riday gaariga. Goobjoogayaal ayaa xusuusta in ay arkeen ama maqleen diyaarad ka hor ama kadib marka uu weerarka dhacay, Amnesty International-na waxa ay dib u eegis ku samaysay muuqaallo uu duubay dayax gacmeedka oo tilmaamaya in duqeyn ay sababtay qaraxa.

Suuragalnimada in tirada dhimashada ay intaa ka badantahay

Waxaa la ogyahay in ciidamada Maraykanka ay Soomaaliya ka fuliyeen 76 duqeymo dheeraad ah mudada ay Amnesty International baaritaanka waday, iyo weliba 24 duqeyn labadii bilood ee ugu horreeyay sanadkan 2019, marka waxaa suuragal ah inay intaa aad uga badan tahay tirada dhimashada ee dadka rayidka ah.

Soomaalida ay saameeyeen duqeymaha Maraykanka ayaan helin fursad cadaallad lagu siinayo. Waxaaba aad u adag in xitaa uu qof sheego in qaraabadiisa ama xubnaha beeshiisa ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen duqeymaha marka la eego goobaha ay ka dhacaan weerarradaasi iyo khatarta ammaan ee ku xeeran.

“Dowladda Maraykanka waa inay xaqiijiso baaritaan ku aaddan dhammaan eedeymaha lagu kalsoonaan karo ee sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen weerarradeeda, iyadoo lala xisaabtamayo kuwa masuulka ka ah tacaddiyadaasi, isla markaana magdhaw la siinayo dhibannayaasha,” ayay tiri Ella Knight oo ah cilmi-baare Amnesty International u qaabilsan Milateriga, Ammaanka iyo Booliska.

“Dowladaha Maraykanka iyo Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay soo afjaraan hufnaan la’aanta, isla markaana ay waxbadan ka qabtaan si loogu fududeeyo bulshada ay duqeymaha saameeyeen inay ka warbixiyaan khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah, haddii ay taa dhici weydana waxaa adkaanaysa in la helo cadaalad.” ayay intaa ku dartay Ella.